DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo go’aano Culus ka soo saaray Caruurta in dagaalada loo adeegsado

0

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay inaysan ogaalan doonin in Caruurta Soomaaliyeed xiligaan la askareeyo islamarkaana loo adeegsado dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacaya.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee maamulka gobolka hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan cali ayaa sheegay in ay jiraan caruur la askareeyay loona adeegsado dagaalada taasina aysan ogoleyn Qawaaniinta Caalamiga ah iyagana ay si weyn uga soo horjeedaan.

Waxa uu sheegay in Maamulka hir-Shabeelle uu ka hortagayo dhibaatada lagu hayo caruurta Soomaaliyeed islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ku tartar siyaan dhanka Waxbarashada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-