DHAGEYSO:- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo baaq u diray Dhalinyarada Puntland.

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka guud ee Puntland, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Tahriibka iyo dhibaatada uu Qurbaha leeyahay.

Waxa uu sheegay Dowladdiisa in ay ku howlan tahay kor u qaadista Kaabayaasha Dhaqaalaha si dhalinta Soomaaliyeed ay u hesho fursado shaqo.

Gaas ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay wiiqi doonto awooda ururka Al-shabaab, islamarkaana ay xilligan heegan ugu jiraan sidii loo ciribtiri lahaa Shabaab.

C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa Dhalinyarada Puntland ugu baaqay in ay ka fogaadaan dhibaatada Tahriibka, islamarkaana wadankooda ay ku kalsoonaadaan.

HOOS KA DHAGEYSO