DHAGEYSO:- Magaalada Cadaado oo lagu qabtay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin falaagada Al Shabaab.

0

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu soo qabtay dad tiradooda ay gaareyso 80 ruux, kuwaasi oo sida uu maamulka sheegay ay ku jiraan xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin falaagada Al Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud C/laahi Maxamed Tootoole ayaa sheegay Howlgalka in ay ku soo qabteen dad gaaraya 80 ruux, hadana ay ku hayaan baaritaano.

Waxa uu sheegay xubnahan ay soo qabteen in ay ka mid yihiin dad looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, balse hada baaritaano lagu hayo.

Magaalada Cadaado oo xaaladeeda ay tahay mid degan ayaa xilliyada qaarkood magaalada Howlgalada la sameeyo waxaa lagu soo qabtaa xubno ka tirsan Shabaab.

HOOS KA DHAGEYSO