DHAGEYSO:- Maxkamada Sare Ee Mareykanka oo soo saartay go’aan dadka ay ku farxin.

0

Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u eegeyso kiiska amarki uu madaxweyne Donald Trump uga mamnuucay inay Mareykanka soo galaan qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka.

Dadka ayaa maxkamada sare utagay iney cadaalad ka helaan isla markaana ay go’aan rasmi ah ka qaadato xaaladan, laakiin waxaa ay aqbashay Iney kiiskaas furto.

Dalalka muslimka ah ee uu madaxweynaha Mareykanka mudo lix bilood ah ka mamnuucay dalkiisa ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, Yemen, Siiriya, Liibiya iyo Iiraan.

Dikareetada madaxweyne Trump ayaa dhigeysay in mudo 90 cisha aysan imaan karin Mareykanka muwaadiniinta dalalka Somalia, Sudan, Iran, Libya iyo Yemen. Sido kale qaxootiga ayaanan soo gali karin mudo 120 maalmood ah.

 

HOOS KA DHAGEYSO