DHAGEYSO:- Saraakiisha Ammaanka degmada Garbahaarey oo ka warbixiyay xaalada Ammaan ee Degmadaasi.

0

Maamulka degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay xaalada ammaan ee degmadaasi hada in ay tahay mid la isku haleyn karo oo aad u wanaagsan, hadana aysan jirin falal lidi ku ah amniga oo ka dhaca Garbahaarey.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Garbahaarey iyo Abaanduulaha Guutada 9-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta, iyaga oo ka warbixinaya amniga guud ee degmada Garbaahrey.

C/xakiin Maxamed Cumar Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Garbahaarey ayaa sheegay amniga guud ee degmada in la isku haleyn karo, wuxuuna Dhalinyarada qurba joogta ah ee ka soo jeeda gobolka Gedo ugu baaqay in ay soo laabtaan.

Abaanduulaha Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Sare Cusmaan Cabdi Qoraxeey ayaa sheegay Ciidamada in ay mar walba ka shaqeeyaan sidii amniga buuxa ay u heli lahaayeen shacabka ku nool gobolka Gedo.

HOOS KA DHAGEYSO