DHAGEYSO:- Shirka wadatashiga xeerarka Fayadhowrka dhirta iyo Abuurka Dalagyada oo ka furmay magaalada Muqdisho.

0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga xeerarka Fayadhowrka dhirta iyo Abuurka Dalagyada.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya xubno matalaya Dowlad goboleedyada dalka.

Ujeedka shirkan ayaa ah sidii loo sameyn lahaa xeerar ku dhisan la socoshada waxyaabaha dalka soo galaya iyo waxyaabaha dalka ka baxa.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa faah faahiyay shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka hadlay Bariiska Caaga ah ee la sheegay in dalka la keenay, maalmahana la soo dhigayay Baraha bulshada, wuxuuna sheegay waxyaabahaas oo dhan in lagu xakameyn karo shraci loo mideysan yahay in loo sameeyo.

HOOS KA DHAGEYSO