DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidamada Puntland Gen. Saciid Dheere oo ka warbixiyay dagaal dhexmaray Ciidamadooda iyo kuwa Daacish.

0

Taliyaha ciidamada maamulka Puntland Jeneral Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), ayaa ka warnbixiyay weerar ciidanka Puntland ku qaadeen maleyshiyada

Daacish oo ku sugnaa tuulo lagu magacaabo Urur oo katirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Maleyshiyadaan Daacish oo dhibaato ku haysay shacabka, ayay ciidanku ku guulaysteen inay ka saaraan deegaanka halkaasina ay ciidanku haatan ku sugan yihiin, iyagoo weliba ku raad jooga baxsad haraadiga kooxdaan oo buuraha kasoo dagay.

Dhinaca kale Jeneral Saciid Dheere waxaa uu beeniyay in habo yaraatee degmada Qandala argigixisada cagta soo dhigtay tan iyo sidii looga saaray 7 bishii december ee sanadkii hore, isagoo sheegay inay ciidanku difaacu ku sugan yihiin dhammaan hareeraha Qandala, si ay cadowga uga ilaaliyaan.

Isku soo wada duuboo Taliyuhu wuxuu sheegay inay dib kasoo faahfaahin doonaan khasaaraha ka dhashay howlgalkaan ciidanka difaaca ka sameeyeen tuulada Urur.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO