DHAGEYSO:- Wada hadalo Hoose oo u socda Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle ayaa waxaa uu sheegay in wadahadallo hoose ay u socdaan Galmudug iyo sidoo kale maamulka Ahlusunna.

Mudane Xaaf ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay soo Afjarida Khilaafka ka dhex jira Ahlusunna iyo Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in si shaacsan ay u furmi doonaan dhawaan wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle ayaa markii la doortay wacad ku maray in heshiis iyo nabad uu ka dhalin doono gobolada Dhexe.

Dhan kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in lasoo Afjari doono colaada ka taagan Bariga gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf oo la hadlay VOA , waxaa uu shacabka Galmudug ugu baaqay midnimo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-