DHAGEYSO:- War Cusub oo laga helayo degaanka Garasbaaleey

0

Gudomiye ku xigeenka dahnka arimaha Bulsahda ee deegaanka Garasbaaleey ee duleedka muqdisho ayaa ka hadlay isqabqabsi dahnka xaduudaha ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Maamulka degmada deeyniile ee gobolkaan Banaadir.

Cabdullaahi Cabdi Maxamuud Gudoomiye ku xigeenka deegaanka Garasbaaleey dahnka arimaha Bulshada ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay dhibaato kaga imaaneysay dahnka maamulka degamda deeyniiile oo sheegayay in deegaanka Garasbaaleey uu ka mid yahay Xaafadaha degamda deyniile.

Waxa uu sheegay in iyagu ay yihiin deegaan aan ka mid aheyn deeyniile islamrkaana ay rajeynayaan in degmo loo aqoonsado sidaa daraaded ay yihiin Bulsahda ku nool degamda diiyniile dad walaalo ah lagana doonayo in ay si nabad u noolaadaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-