DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Gudoomiyaha Gelinsoor Cali Saciid oo ka warbixiyay afar ruux oo lagu dilay deegaanka Kaxan-dhaale.

0

Inta la hubo Afar ruux ayaa lagu dillay weerar saakay Maleeshiyaad beeleed hubsayn ay ka geysteen Deegaan dhaca Xuduuda Gobolka Galgaduud uu la wadaago Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

Afarta Ruux ee la dilay ayaa ku sugnaa nawaaxiga Deegaanka Kaxan-Dhaale oo dhaca xuduuda itoobia, waxaana la sheegay in maleeshiya beeleedka falka geystay ay goobta ka carareen.

Afarta ruux ee la dilay oo beel ahaan ku abtirsada beelaha dega Gelinsoor ayaa maamulka deegaankaasi waxa uu ka hadlay Falkaasi oo dhacay saakar Aroortii hore.

Guddoomiyaha Degaanka galinsoor ee Gobolka galgaduud Cali Siciid oo Waraysi gaar ah siiyay Allgalgaduud Media ayaa sheegay in maleeshiyadka Dilka geystay ay ka soo jeedaan Degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha ayaa taleefanka Caabudwaaq ugu Waramay Wariyaheena Cumar Lakiman

HOOS KA DHAGEYSO