DHAGEYSO:- Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in Dawladda ay tahay mid Daciif ah oo aan Qaraxyada Xamar ka difaaci karin

0

C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ayaa waxaa uu qiil u yeelay fashilka amni ee ka jira Magaalada Muqdisho, iyadoo muddo toban cisho gudahood lagu dilay qiyaastii 50 ruux, ka dib weeraro ismiidaamin ahaa oo ka kala dhacay Degmooyinka Hodan, Wadajir & Waaberi.

Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada Somaliya, ayaa tobanka dambe ee bishan Ramadan Magaalada Muqdisho ka gaystay saddex weerar oo ismiidaamin ahaa, waxaana la sheegay in ay ku dileen 50 qof oo shacab u badan.

Weeraradan waxay ku soo beegmayan, xilli Dowladda Somaliya ay xasilin iyo hub ka dhigisba ay muddo bil ahi ka wado Magaalada Muqdisho, magaaladana amnigeeda loo wakiishay kun iyo shan boqol oo askari, oo isku dhaf ah.

Wasiirka Warfaafinta oo wax laga weydiiyay xasilinta ay dowladdu sheegtay inay ka wado Caasimadda Muqdisho iyo weerarada rayidka lagu leynayo ee ka dhacaya magaalada, ayaa ku dooday markasta oo la doonayo in xasilooni laga dhaliyo Muqdisho loo baahan yahay in taariikhda dib loogu laabto.

“Marka laga hadlayo amniga iyo nabadaynta Muqdisho waxay u baahan tahay in taariikhda la fiiriyo, dalkan meesha uu ka yimid, meesha uu u socdo iyo xaaladda uu marayo. Dowladan waa dowlad cusub, waxay amniga siisay mudnaan gaar ah, waxaa la’isku deyay in ciidamo kun iyo shan boqol oo isku dhaf ah, oo hal hogaan leh Muqdisho amnigeeda ay suggaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa muujiyay in dowladdu ay adkeysay amniga magaalada labaatankii hore ee bishan Ramadan, isla-markaana juhdi ay samaysay kaga hortagtey dhib soo gaari lahaa shacabka, waxaana uu intaa ku daray in wax murugadeeda leh ay tahay in hal isbuuc gudahiis ay weeraro intaa le’eg, dad badanina ku dhintaan ay Shabaabku ka gaystan Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Cumar Cismaan, Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ayaa ku waramaya inay adag tahay in laga hortaggo dad doonaya inay dhintaan, hase ahaatee ka dowlad ahaan ay rumeysan yihiin in wax badan la qabtay.

“Dadkaan raba inay dhintaan mar walba waa adkeyd sidii looga hortaggi lahaa, laakiin waxaan aaminsanahay ka dowlad ahaan in wax badan la qabtay.” Ayuu yiri Wasiirku.

Waxaa uu intaa ku daray “In dadaaladaan oo weliba lagu daray ficil, cashir laga bartay dowladihii hore iyo sidii ay bisha Ramadan wax u dhici jireen. Waxaan is leenahay markaan ciidamada aad bay ugu ammaanan yihiin, walow ay qaraxydaasi dhaceena waa wax kooxaha argagixisada ay mar walbaba isku deyayan inay caalamka tusaan inay wax uun samayn karaan.”

C/raxmaan Yariisow, ayaa ku faanay in xaaladda amni ee Magaalada Muqdisho ay hadda ka wanaagsan tahay, sidii ay ahaan jirtay dowladihii middaan ka horeeyay.

“Markaad runtii fiirisid marxaladda meesha, sidii ay ahaan jirtay iyo sida ay hadda tahay, waxaan is leenahay dadaal badan baa socda, shacabkii iyo dowladdii oo iskaashanaayana waxaan is leenahay inta dhiman waxay noqon doontaa mid si wadajir ah looga hawlgalo.” Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Wasiir Yariisow oo la weydiiyay in dowladdu ku adag tahay inay cadeyso khaladaadka ka jira hay’adaha ammaanka, marba haddii aanay ka hortaggi karin qaraxyada, dhimashadana ay isa soo tareyso, ayaa ku andacooday inaanan hal maalin waxba lagu qaban karin.

“Runtii C/casiis adigana waad ogtahay ciidamada sida ay u dadaalaan, dhibaatada iyo daruufaha ay ku shaqaynayan, waad ogtahay Ramadankan, Ramadankii ka horeeyay wixii dhici jiray, waad ogtahay goobaha ay qaraxyada ka samaynayan hadda iyo goobihii ay ka samayn jireen. Waad ogtahay horumarka ballaaran ee ciidamada iyo dib u habaynta wax walba ee socda, hal maalin wax kuma dhallanayan, kumana imaanayan.” Ayuu yiri Yariisow oo ka qayb qaadanayay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee VOA.

Yasiirow, ayaa Dowladda Somaliya ku difaacay inay tahay dowlad hadda uun soo kabanayso, kuna horgudban yihiin caqabado amni iyo mid dhaqaalaba, dowladahana ay afartii sano mar is bedelayan, Golaha Wasiiraduna aysan laba sano gaareen.

Dhanka kale waxay dadku dowladda ku dhaliilayan in ay albaabada ka soo laabatay dadkii aqoonta u lahaa suggida amniga iyo inay shaqaalaysiisay dad aan khibrad badani u lahayn arrimaha ammaanka, taasina ay dhabaha u xargatay qaraxyada xargaha goystay ee ka dhacaya Xarunta Somaliya.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo dowladiisu ay dhisan tahay afar bilood oo keliya, ayaa waxaa hadana Magaalada Muqdisho ka dhacay afartan qarax, oo shacab fara-badan ay ku dhinteen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-