DHAGEYSO:- Xaalad adag oo soo wajahday Xoolo dhaqatada ismaamulka Tana River ee Kenya

0

Waxaa daruuf dhanka nolosha ah ay soo wajahday Xoola Dhaqatadii dhowr Todobaad ka hor ay Ciidamada Millatariga Kenya ay Geela kaga laayeen Howlgal Ka dhacay Ismaamul Goboleedka Tana River oo Ka tirsan Gobolka Xeebta dalka Kenya.

Qaar ka tirsan xoolo dhaqatada ayaa waxa ay sheegeen in ay ku nool yihiin xaalad adag oo dhanka nolosha ah, oo xilligan soo wajahday.

Waxa ay sheegeen in Geellooda laga dhameeyay, Aqaladoodana la gubay, hadana ay halis ku jiraan cauurtooda, waxayna Dowladda iyo shacabka ka codsadeen caawimaad deg deg ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-