DHAGEYSO XASAASI:- Faroole oo weerar ku qaaday Xoosh Jabriil: “Lagama cafin doono beenta uu sheegay”

0

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia, ayaa si faah faahsan uga hadlay dastuurka dalka Soomaaliya, wuxuuna weerar ba’an ku qaaday wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maalmahan ku sugnaa Garoowe.

Faroole, oo la hadlay Radio Garowe ayaa Wasiir Xoosh ku eedeeyay inuu marin habaabiyay Dastuurka Somalia iyo saxiixayaashiisa, taasna ay tahay nasiib darro iyo been abuur loo gudbinayo shacabka.

Qodobka ku aadan wax ka badalka Dastuurka oo Wasiir Xoosh tilmaamay inaan waxba laga farogalin ayuu Faroole ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isagoo xusay in qodobo badan faraha la galiyay oo sidii loo saxiixay qaab ka badalan loo gudbiyay, taasoo uu xusay inay ka sameeyeen qoraalo tiro badan.

“Waxaan idiin sheegayaa Aflagaadada uu sameeyay Cabdiraxaam Jibriil oo uu leeyahay Conspiracy theory, ama ahayd Been abuur, waa aflagaado iyo Madaxgoosasho iyo wax sharci la isku gayn karo, waana qalad inuu saas yiraahdo iyo dambi loona masaabixi maayo,” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Farole oo ku sugan Waddanka Australia. Faroole, ayaa Xoosh sidoo kale ku eedeeyay inuu marooqsaday shaqadii Baarlamanka Somalia oo uu xuusay inay Guddiyo u xil saareen arrinta Dib u eegista Dastuurka Somalia islamarkaana dhawaan dooran doonaan Guddoomiye.

“Waxaan idiin sheegayaa oo kale, shaqada uu la soconayo oo meesha la wareegayo waa shaqadii Barlamanka, waana la sameeyay labadii Guddi ee Barlamanka oo fasax ku jira marka ay soo laabtaana dooranaya Guddoomiyihii Guddigaas,” Ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Farole.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu maamullada uu la joogo u sheegay in Guddigaas Barlamanka ku leeyihiin labo xubnood, isagoo uga digay marin habaabinta uu wado wasiir Xoosh oo sidoo kale ku sifeeyay shakhsi dhibaato badan u gaystay Dastuurkii waqtigii uu Farole ahaa Madaxweynaha Puntland.

Dowladda Somalia gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaa arrinta Xoosh ee ku khusaysa Dastuurka dalka Somalia, taasoo walaac ka muujiyay natiijada kasoo bixi doonta hadii loo daayo sida hadda wax ku socdaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO