DHAGEYSO:- Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare “Majiraan Xildhibaano culeys weyn leh oo mooshin ka diyaarin kara xukuumada R/wasaare Xasan Cali Kheyre” iyo dalal shisheeye. (Waxbadan ogoow)

0

Maalmahan ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxay Warar sheegay inay Jiraan Xildhibaano kasoo horjeeda Xukuumada RW Xasan Cali Khayre.

Xildhibaan Cabdillahi Goodax Barre oo Arintaasi wax laga waydiiyey ayaa sheegay inay Xantaasi Jirto, Iyo Xildhibaano Damacsan Howshaasi, Wuxuuna sheegay inay yihiin Kuwa aad u yar oo Haynin wax Dhaliil ah oo Xukuumada lagu Horkeeno Baarlamaanka.

Mar la waydiiyey In Xildhibaanadu Curyaaminta ay ku Hayaan Dawlad kasta oo dalka ka dhalata, Wuxuuna sheegay inaan loo Baahnayn Qaran dumis nimo, wuxuuna Xusay inaysan hada u Muuqan wax lagu diido Xukuumada ama Lagu Saxo.

 

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO