Madaxweyne Farmaajo oo Xil Sare u Magacaabay Faadumo Dayib

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa xil Cusub u magacaabay Faadumo Dayib oo kamid aheyd Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashadii Soomaliya ka dhacday sanadkaan 2017-ka.

Faadumo Dayib oo ah Haweeney Soomaliyeed islamarkaana haysata dhalasada dalka Finland ayaa sanadkii 2016-kii ku dhawaaqday in ay u taagan tahay xilka madaxweynaha   inkastoo inta aysan doorashada la gaarin ku dhawaaqday in ay isaga hartay tartanka, sababo ay ku sheegtay Musuq-maasuq.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Faadumo wakiilka Hay’adda Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay Qof wax badan u dhaqdhaqaaqd aarrimaha Haweenka.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa u rajeyay Faadumo Dayib in uu ilaahey ku guuleysiiso xilka uu u magacaabay.

Dhanka kale Fadumo Dayib ayaa ka mahad celisay xilka loo magacaabay,waxayna sheegtay in iyadoo yar Soomaliya  qoyskeeda ay ka baraceen balse ayna haatan kusoo laabtay iyadoo qof weyn ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-