Magaalo Mucjiso ah oo Dadka ku nool Kaliya ay Soomaan Saddex Saacadood Bisha Ramadaan!!

0

Saacadaha dunida laga soomo Bishan Barakaysan ee Ramadaan waa ay kala duwan tahay waxaanay ku xiran tahay juquraafi ahaan dalka uu dal kastaa ku dhaco iyo wakhtiga ay keento kala wareegga cadceedda iyo dayaxu ee gabbal dhaca iyo cadceed soo baxa. Haddii aad akhriste hore u maqashay waddamo saacado dhaadheer oo aad u fara badan laga soomo dunidan aan ku nool yahay, kuwo dhexdhexaad ah oo haysta saacado dhexdhexaad ah iyo kuwo saacado kooban waligaa ma maqashay magaalo carbeed oo dadka ku nooli ay kaliya Bisha Ramadaan soomaan wax ka yar saddex saacadood iyo dalka ay ku taallo?.

Warbixintan waxa ay intaasi ku daraysaa in Celcelis ahaan saacadaha laga soomo waddamada Carabeed ee ku midoobay ururka Jaamacadda Carabtu waxa ay dhan tahay illaa 13 saacadood kuwo 12 sooma iyo ugu badnaan kuwo 13 saacadood iyo badh sooma waana juquraafi ahaan goobaha ay dhacaan dalalka Carbeed balse waxa jira tuulo ku taalla dalalka Carabta oo dadka ku nooli ay kaliya soomaan 3 saac oo kali ah waana arrin mucjiso ah oo aad la yaabi doonto sida uu u dhacay balse xaqiiqo ah.

Tani waa tuulada loo yaqaano WEKAN waxaanay ku taallaa waddanka Saldanadda Cummaan ee caasimadeedu tahay Masqad. Cumaan waxa ay ka mid tahay dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka waxaanay xuduud la leedahay waddamada Yemen, Imaaraadka iyo Sucuudiga. Tuulada wekan waxa ay dadka ku nooli soomaan oo kali ah saddex saacadood waxaanay tuuladaasi ku taallaa Gobolka Konfureed ee Albaadina oo dhacda waadiga ama toga caanka ah ee Al-mustal ee Gobolka Nakhal. Joogga dhulka ay tuuladano ku taallaa waxa uu dhan yahay in ka badan Laba Kun oo Mitir oo ka sarraysa joogga badda waxaanay caasimadda dalkaasi ee Masqad u jirtaa masaafo ahaan in ka badan 150 Kiiloo Mitir.

Cadceeddu waxa ay u soo baxdaa tuuladan 11-ka Barqannimo ee wakhtiga dalkaasi Cummaan waxaanay dhacdaa cadceeddu 2:30 Duhurnimo, si kale haddii aan markaa u dhigno waxa ay maalin ku jiraan oo kali ah muddo 3 saacadood ah iyo badh.

Tuulada wekan waxa ay ku taallaa dhul joog dheer oo qarfo ah oo buuroley ah dhexdooda. Waana silsiladda buuralayda Alxajar Al Sharqi ee dalkaasi ku teedsan. Marka ay cadceeddu ka qarsoonto ee ay ka dhacdo gabi ahaanba dhulku waa uu madoobaadaa waxaanay dadku shitaan iftiin iyaga oo dhaqan ahaan u haysta in ay habeen galeen. Wali cilmi baadhis ballaadhan laguma samayn xaaladda tuuladan marka laga tago in dadka qaar aaminsan yihiin uun in cadceedda ay ka qarinayaan buuraha ku hareeraysani balse aanay dalkooda inta kale ka dhicin balse dadka ku nooli waxa ay ku camal falaan cadceedda soo jeedkeeda iyo sii dhaceeda waxaanay soomaan oo kali ah saddexdaasi saacadood ee cadceedu u soo jeeddo oo ah maalintooda.