Maxaabiis ku geeriyootay Xabsiga dhexe ee Muqdisho

0

Labo Maxbuus ayaa u geeriyootay cudurka shuban biyoodka oo soo ritay maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

 

Sagaal maxbuus oo kale ayaa la il daran, iyadoo la dhigay goob caafimaad oo laga hirgeliyay gudaha xabsiga.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa xaqiijiyay in maxaabiistan uu ku dhacay cudurka shubanka, waxaana uu tilmaamay inuu socdo howlo lagula tacaalayo.

Waxaa uu sheegay in intii uu socday gurmadkii iyo daaweyntii loo fidinayay ay labo ka mid ah u dhinteen, isagoo xusay in tooda ay dhamaatay.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay ku jiraan boqolaal maxaabiis ayaa sanad ka hor waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo ay dhowr maxbuus u geeriyoodeen.