QM oo Warbixin Cajiib ah soo saartay iyo Caalamka oo la yaabay

0

Tirada dadka qaxootiga ah, kuwa magangalyo doonka ah iyo kuwa ku barakacay gudaha dalalkooda ee dunida oo dhan ayaa gaaray meeshii ugu saraysay abid, iyaga oo noqday 65.6 milyan oo ruux sida ay sheegtay Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Qiyaastan la sameeyay dhammaadkii 2016kii ayaa ka badan 300,000 middii la sameeyay sannadkii 2015kii, sida ay hay’addu ku sheegtay warbixinteeda sannadlaha ah.

Tiradda ku korortay ayaase ka hoosaysa middii ku korartay intii u dhaxaysay sannadkii 2014kii ilaa 2015kii.

Laakiin madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi ayaa sheegay in ay tahay arrin walaac leh oo muujinaysa in dublamaasiyaddii calaamku ay guuldaraysatay.

“Waxay u muuqataa in dunidu ay noqday meel aan nabad keenikarin” ayuu yiri Filippo.

“Sidaas daraadeed waxaad arkaysaa dagaalladii hore oo sii socda iyo kuwo cusub oo qarxaya barokicin ayayna la imaanayaan, barakicinta qasabka ah ayaa astaan u ah dagaallada aan soo afjarmin.” ayuu sii raaciyay

Filippo ayaa sidoo kale ka digay culayska dul saaraan qaar ka mid ah dalalka dunida ugu saboolsan ama kuwa dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay oo ay ku nool yihiin 84% dadka ka barakacay adduunka oo dhan.

“Sidee baan u waydiisan karaa in ay malaayiin qaxooti ah qaabilaan dalalka ilahooda dhaqaale uu kooban yahay ee ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya haddiiba dalalka qaniga ahi ay diiyayaan qaxootiga?” ayuu yiri.

Qarammada Midoobay waxay rajaynaysaa in tiradan meeshii u saraysay gaartay ee dadka barakacay in ay dalalka hodanka ah ku qaadi doonto in ay dib uga fikiraan arrintan, mana aha oo kali ah in ay aqbalaan qaxooti dheeri ah ee waa maalgalinta nabadda iyo dib u dhiska.