Rag Al-Shabaab ka tirsan oo lagu qabtay Dalka Kenya iyo Arrin Halis ah oo ay sameyn rabeen

0

Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa 4 nin oo looga shakiyay in ay qorshaynaayeen in ay weeraro geystaan inta lagu guda jiro maalmaha ciida waxa ay ku xireen  magaalada Mombasa.

Raggaan lasoo qabtay ayaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Sida ay sheegeen ciidamada booliska afartaan qof waxaa laga soo qabtay tuulada Voi oo ka tirsan magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Ciidamada booliska ayaa ragaan magacyadooda ku kala sheegay Yayha Salim Bakari – oo macalin ka ahaa masjidka majalis ee ku yaala xaafada Kikambala, Julius Mwandenzi oo lagu naaneeso Zinde iyo Abdallah Ramadhan.

Laamaha amaanka dalka Kenya waxa ay sheegeen in ragaasi ay kasoo baxsadeen magaalada Nairobi xilli ay baadi goobayeen ciidamada amaanka.

Wargeyska The Star oo soo xiganaayo sarkaal ka tirsan dalka Kenya ayaa sheegay in raggaasi ay horay u askareeyeen dhalinyaro da’dooda udhaxayso 16 ilaa 17 sano,kuwaasi oo ku biiray ururka Al-shabaab.

Maalmihii ugu danbeeyay ciidamada la dagaalanka argagaxisada dalka Kenya waxa ay howlgalo ka wadeen magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya.