DAAWO:- Wasiir Sheekh Maxamed Awlibaax oo dhaawac culus kasoo gaaray qaraxii Muqdisho.

0

Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-Libaax) ayaa ka mid noqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay saldhiga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Aw-Libaax ayaa saxaafada u xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubballand in uu dhaawaciisa culus yahay.

Wasiir Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf Awlibaax ayaa la sheegay in qaraxa ka dib goobta laga qaaday isagoo qaba dhaawac culus waxaana la gaarsiiyay Isbitaalka.

Isku soo wada duboo Sheekh Aw-libaax ayaa ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii Ahlu Sunna ee ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab kula dagaalamay degaano ka tirsan gobolka Gedo ka hor inta uusan ku biirin maamulka Jubballand.

 

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media