Shacabka Muqdisho oo caqabad weyn la soo gudboonaatay

0

Iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho dadka si weyn ay isugu diyaarinayaan Ciida oo suuqyada Magaalada ay buux dhaafiyeen dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafaddaha Magaalada, ayaa shacabka waxaa haysata caqabad weyn oo masuuliyadeeda ay leedahay dowladda Federalka Somaliya.

Habeen hore ayaa Magaalada waxaa ka bilowday hawlgal wado jaris ah oo guud ahaan lagu goynaayay jidcadyaasha dhexmara xaafaddaha Magaalada Muqdisho dhexdeeda, waxaana hawlgalkaasi fulinaayay ciidamada NISA.

Hawlgalka ayaa waxaa laga bilaabay Isgoyska Danwadaagta Degmada Wadajir, waxaana guud ahaan la jaray wadooyinka Jidcadyaasha ee xaafadda Buulo Xuubey ka soo baxa, kadibna sida tooska ah ugu dhaca laamiga.

Dhagxaan waaweyn ayaa lagu jaray, taasi oo aanan saamaxeyn gaadiidka inay maraan iyo sidoo kale Mootooyinka, tani waxa ay muujinaysa cunaqabateyn dadban inay tahay, sababtuna waxa ay tahay qof xanuunsan oo aanan socon karin gaadiid in aanan gurigiisa looga soo qaadi karin.

Hadal hayn kala duwan ayaa Magaalada ka bilaabatay, iyadoo dadka tusaale u soo qaadanaya balan qaadkii ahaa Madaxweyne Farmaajo ee furista wadooyinka xiran dhamaan, xilligii ololaha doorashada ayuu sameeyay balan qaadkaasi, laakiin hadalkaasi wuxuu isku bedelay mid sii xiray wadooyin horay u furnaa oo shaqeynaayay.

Bulshada Magaalada Muqdisho ayaa muujinaysa walaaca ka haysta hab dhaqanka cusub ee dowladda, laguna cunaqabateynaayo Bulshada ku nool caasimadda dalka ee u baahan helida amni buuxa.

Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa lagu dhaliila inay la yimaadaan fikrado aanan macno badan ku fadhin oo ay ku sheegaan inay ku sugayaan ammaanka, laakiin sida hadda ay wax ku socdaan ayaa u muuqda iska hor keenida shacabka iyo dowladda.

Shacabka ayaa waxa ay ugu baaqeen Dowladda Somaliya inay furto wadooyinka ay xirtay dowladda si bulshada ay u helaan adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.