TOP DHAGEYSO:- Baritaano ka socda Degmada Buulo-Burde kadib Weerar Madaafiic ah oo lagu Qaaday

0

Wararka aan maanta ka heleyno degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Isgaarsiintii degmadaas ay Maanta hawada ka maqan tahay kadib markii ay ku wada dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in markii hore  degmadaas ay weerar Madaafiic ah ku qaadeen islamarkaana intaas kadib uu ka dhacay dagaal kooban oo labada dhinac ah.

Liibaan Cabdi Burusow gudoomiye ku xigeenka Maaliyada Maamulka degmada BuuloBurde ayaa Dalsan faah faahin ka siiyay weerarkaas iyo sida uu u dhacay.

HALKAAN KA DHAGEYSO