TOP DHAGEYSO:- Muxuu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ka yiri Shirkii Dib u heshiisiinta ee la soo gabagabeeyay?

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay shirkii dib u heshiisiinta iyo Hanaanka qaran  ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho kaas oo ay ka qeyb galeen Wakiilo ka kala socday Maamul goboledyada dalka ka jira iyo waliba sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Thaabit,ayaa sheegay in shirkaas uu yahay horumar weyn oo la gaaray islamarkaana tani ay horseed u noqonkarto in ay Bulshada Soomaaliyeed isdhex galaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shirkaan kii ka horeeyay ee la qabtay mudo 10 Sano ka hor uu isagu goobjoog ahaa dad badan oo ka qeybgalayna ay weli diyaar u yihiin dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed waxana leeyahay ku soo dhawaada muqdisho.

Hadalkaan ayaa gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu sheegay xili uu Casho Sharaf xalay Muqdisho ugu sameeyay dadkii ka qeybgalay Shirkii dib u heshiisiinta iyo hanaanka Qaran ee Shalay la soo gaba gabeeyay.

HALKAAN KA DHAGEYSO