TOP DHAGEYSO:- Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Norway ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan midka Diblomaasiyiinta.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in Dowladda Norway ay aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Agaasime Koofi arrintan in ay tahay bilow fiican, sanadkana ay rajeynayaan in ay wax badan ka qaban doonaan arrinta la xiriirta Baasaboorka aqoonsigiisa.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dalalka Qaaradda Yurub kala hadlaysay sidii ay u aqoonsan lahaayeen Baasaboorka Soomaaliga.

HALKAAN KA DHAGEYSO