TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Somalia oo Shirar dib u heshiisiin ah ku qabaneysa Maamul Goboleedyada

0

Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/faarax Siciid Juxa,ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ay Gobolada dalka Soomaaliya sidaan oo kale ay Shir dib u heshiisiin ah ku qabaneyso silamid ah kan shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay ka Wasaarad ahaan ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dib u heshiisinta Beelaha dhexdooda ah islamarkaana ay aad uga xun yihiin meelaha qaar oo ay ka dhacayaan dagaal beeleedyada.

Waxa uu ku tilaamay shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho ee ahaa Shirweynaha Qran ee dib u heshiisinta mid Albaab Cusub u furayay shacabka Soomaaliyeed in ay isdhex galaan.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya waxa uu ka sheegay Munaasabad Casho sharaf ah oo xalay loo sameeyay Ergadii ka qeybgashay shirkii dib u heshisiinta iyo hanaanka Qaran ee muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

HALKAAN KA DHAGEYSO