TOP NEWS:- Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani iyo Hassan Rouhani oo qadka telefoonka ku wada hadlay.

0

Madaxweynaha dalka Iiraan Hassan Rouhani iyo boqorka dalka Qadar Emir Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, ayaa Yeeshay xidhiidh dhinaca khadka telefoonka ah.

Warkan oo lagu baahiyay bogga uu internetka ku leeyahay Xafiiska madaxweynaha dalka Iiraan.

Warku waxa uu sheegayaa in Madaxweynaha Iiraan uu u balan qaaday dalka Qadar xidhiidh wanaagsan ay kaga maarmi karaan kii ay la lahaayeen wadamada carabta ee iyagu mar keliya xidhiidhka dublamaasiyadeed u jaray, waxaanu yidhi “Tehran Waxa ay barbar istaagaysaa dawladda Qadar” ayuu yidhi

Wuu sii watay Madaxweyne Rooxaani hadalkiisa waxaanu yidhi “Hawadda Iiraan, Dhulka iyo Badduba waligoodba way u furnaan doonaan qadar, anaga oo ah waliba saaxiibo, xidhiidhka labada dawladoodna wuu sii jiri doonaa” ayuu yidhi

Dhinaca kale Amiirka Dalka Qadar Emir Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani oo isna hadlay ayaa sheegay in ay qadar ku dedaali doonto sidii ay xidhiidhada caalamka u sii wanaajin lahayd “Qadar waxa ay gacmo furan ku soo dhaweynaysaa xidhiidhada iyo wada jirka” ayuu yidhi