TOP NEWS:- Ciidamada Xooga Dalka oo guulo ka sheegtay dagaalkii maanta ay ku qaadeen falaagada Al Shabaab.

0

Ciidamada Milateriga Soomaaliya, oo ay wehliyaan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa saaka weerar ku qaaday tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la soo sheegayo in dagaalo culus ay ka socdaan tuulooyinka qaar.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay weerareen tuulooyin dhinaca bari ka xiga Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo hoos taga degmada Mahadaay

Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa xilligan ku dagaalamaya Tuulada Cali Fooldheere oo u dhaxeysa Mahadaay iyo Biyo Cadde.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen. Caanood oo hoggaaminaya howl galka ayaa sheegay in ciidamada ay saaka weerareen tuulooyin dhowr, ayna ka qaarkood la wareegeen ciidamada, waxaa uu xusay in hada dagaal uu ka socdo Tuulada Cali Fooldheere.

Dadka deegaanka ee ku dhaqan Tuulooyinka u dhow dhow Jowhar iyo Mahadaay ayaa soo sheegaya inay arkayeen cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal ay u gudbeen tuulooyin dhanka waqooyi bari ee gobolka.

Xaalada Tuulooyinkaas ayaa laga soo sheegayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo saan saan dagaal, waxaana dadka deegaanka ka cabsi qabaan inuu saameyn ku yeesho dagaalada.