TOP NEWS:-Dawladda Federaalka Soomaaliya oo markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internet-kii go’ay ka dalabtay dalka Cummaan.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internet-ka Fibre Optic eek a go’ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka dalabtay dalka Cummaan, kaasoo lagu wado in maalmaha soo socda uu ku soo xirto Dekeda magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Internet la’aanta ka jirta Gobolada dalka qaar ay saameyn ku yeelatay adeegyadii bulshada iyo shaqooyinka dowladda.

Waxaa uu sheegay in dalka Cummaan laga dalbay Markabkii sameyn lahaa, isagoo xusay in maalmaha soo socda uu imaan doono Muqdisho, si Fiiladii Internet-ka ee go’ay loo sameeyo.

Agaasimaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanaa saameynta uu ku yeeshay internet la’aanta, waxaana uu xusay in uusan cadeyn karin waqtiga rasmiga ah ee Internet-ka xariga Fibre Optic la heli doono.

“Wey adag tahay in maalin hebel la dhaho Internet-ka wuu imaanayaa, hada magaalada Internet oo daciif ayaa ka jiro, ganacsiga waa xaniban yahay, isku xirkaa bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamka waa xaniban yahay, dowladda Soomaaliyeed shaqadeeda waa xaniban tahay”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shirkadaha Isgaarsiinta ay ka dalbadeen inay keenaan Satelite Internet oo loo isticmaalo si KMG ah, isagoo xusay in qaarkood haatan la isticmaalayo, hase ahaatee aanay wada kaafin karin gobolada dalka oo dhan.

Waxaa uu sheegay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka shaqeynayaan Interne Satelite ah sida uu hadalka u dhigay.

Maalintii afaraad ayay Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka maqan tahay Internet-kii Fibre Optic ee la soo marsiiyay Badda, kaddib markii uu dhowaan Markab taagnaa Xeebaha Muqdisho uu jaray xarigaas ka imaanayay dalalka Jabuuti iyo Tanzania.

Shaqooyinkii Xawaaladaha ee gobolada dalka iyo adeegyadii kale ee bulshada ayuu saameyn ku yeeshay Internet-ka go’ay, waxaana dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl gala ay Hal Fiilo oo Internet-ka adeega Fibre Optic ka qaataan shirkad lagu magacaabo Dalkom oo xarun meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo Fiilo dhinaca badda ka timaad ay ugu talaalan tahay.

Dhinaca kale Gobolada waqooyi ee Soomaaliya, sida deegaanada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka jira Internet, maadaama deegaanada xeebaha ay toos uga helaan Xariga Fibre Optic iyo adeegyo kale oo Satelite ah.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media