TOP NEWS:- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Cilada ku timid Internetka Iyo Maalintii Labaad oo Internet La’aan.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Cidal ku timid Internetka qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxay caawa xaqiijisay in cilad ay ku timid adeeggii Internet ee ka jiray Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Axmed Xaaji Cabdi oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa waxaa uu sheegay in markab uu jiiray halka ay iska galaan laba cable oo Internet ah, oo ka kala yimaada Jabuuti iyo Kenya.

“Fiillooyin cable ah oo nooga kala yimaado Kenya iyo Jabuuti, meel ay iska galaan ayuu markab jiiray, markab kale ayaa loo soo diray oo samaynayo.” Ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Agaasimaha, ayaa tilmaamay in xalinta ciladaan soo korortay ay qaadan doonto muddo dhawr maalmood ah, sida uu yiri.

Axmed Xaaji Cabdi, ayaa waxaa uu xusay in tani ay culeys ku keentay shaqooyinkii ka socday Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba.

Adeegga Internet-ka, ayaa shalay ilaa maanta ka maqan qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya, taasoo saameeyn xoogan ku yeelatay Shirkadaha waa weyn, Xafiisyada Doowlada iyo Guud ahaan shacabka.