TOP NEWS:- Madax ka tirsan dowladda oo ka qaybgalay Xuska maalinta Xornimada Jabuuti.

0

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka qaybgalay Xuska maalinta Xuriyada ee dalka jabuuti oo ka dhacday safaaradda jabuuti ee ku taala magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Somaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiro kale oo ka tirsan dowladda oo ka qaybgalay Munaasabadda ka dhacday xarunta safaaradda ayaa Hambalyo diray Jamhuuriyadda iyo Shacabka wadanka Jabuuti.

Sidoo kale masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa ku Ammaanay Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacabka Jabuuti sida ay markasta ugu taaganyihiin hormarka Soomaaliya.

27-kii June Sanadkii 1977-kii ayay Jamhuuriyadda jabuuti si rasmi ah xuriyadeeda ay kaga qaadatay Gumaystihii Faransiiska.