TOP NEWS:- Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray Dowlada iyo Shacabka Jabuuti.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Wadanka Jabuuti.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay farxada la qaybsanayaan Walaalaha Jabuuti oo u dabaal dagaya maalintaan Qiimaha badan oo ah markii Xoriyada ay ka qaateen Gumaystaha Faransiiska.

27-kii June sanadkii 1977-kii ayay ahayd markii Gumaystaha Faransiiska ay xoriyadooda ka qaateen shacabka Walaalaheen ah ee reer Jabuuti.