TOP NEWS:- Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo maanta Internet la,aan ah.

0

Waxaa Habeenimadii Xalay la waayay adeegii internetka ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya taasoo Jahwareer ku riday dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan ganacsigii Dalka.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo Gobolada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay saakay ka jirto halkaas Internet la,anta taasi oo sababtay in ay shaqayn waayaan Xawaladihii dalka ka jiray, shirkadihii Isgaarsiinta iyo xata bangiyadii dalka ka Jiray

Wararka ayaa sheegaya in Xawaaladaha magaalada Muqdsiho ay dhooban yihiin macaamiisha kuwaas oo raadinaya lacagahooda Xaqal Ciida ah, Balse ay Maamulka xawaaladaha ay ku war galiyeen in ay jirto Internet la,anta Inkastoo Inta badan ay xiran yihiin Xarumaha waa wayn ee Xawalaadaha.

Magaalooyinka kale ee ay saameynsay ciladan ayaa waxaa kamid ah Magaalada Caabudwaaq oo aan lahayn Internet.

Dhinaca kale Mar aan Xiriir la sameenay Qaar kamid ah Shirkadaha bixiya Internetka ayaa noo xaqiijin waayay sababaha keenay manta in dhamaan Magaalada Muqdosho ay ka dhacdo internet la,aan waxayna hadalka ku soo gaba gabeeyen in shaqo laga hayo internetka.

Isku soo wada duuboo lama Oga Sababaha ka danbeeya in Maanta laga Jaro Internetka guud ahaan Magaalada muqdisho iyo Qaar kamid ah Gobalada Dalka Soomaliya waxaana jira warar sheegaya in fibre optico laga helo qadka Internetka ay Cilad ku timid, waxaana la sheegay in lala tacaalaayo Ciladaas.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media