TOP NEWS:- Magaalooyinka ay maamulaan Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo maanta aan laga Ciidin.

0

Wararka ka imaanaya magaalooyinka ay ka arrimiyaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegaya in maanta laga sooman yahay.

Wariyaal ku sugan Dhuuso-mareeb ayaa soo sheegaya in maanta ay sooman yihiin dadka magaaladda kadib markii uu amarkaas kasoo baxay maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Saraakiisha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ayaa u sheegay dadka iney kaamilayaan 30-ka maalin ee bisha Ramadaan, sidaas darteed aysan maanta Ciid u aheyn dadka.

Meelaha laga sooman yahay waxaa kamid ah Dhuuso-Mareeb iyo Guriceel oo ay ku xoogan yihiin Ahlu Sunna Waljamaaca.

Isku soo wada duuboo arrintaan ayaa ah mid ka hor imaaneysa madaxda qaranka oo shaaciyay in maanta ay tahay maalin ciid ah halka caalamka Muslimiinta oo dhan laga wada Ciidayo.