TOP NEWS:- Midowga Yurub oo beeniyay in Markab kamid ah kuwooda uu Qarxay.

0

Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ayaa war lagu daabacay bartooda Twitter-ka ay ku leeyihiin waxay sheegeen in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in markab ay leeyihiin uu ku qarxay deegaanka Murcaanyo ee gobalka Gardafuu Soomaaliya.

Waxaa la cadeeyey in Shaqaalaha & Maraakiibta howlgalkanba ay yihiin kuwa bad-qaba oo aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ay maqleen qaraxan.

Waxaanu xaqiijinaynaa in wax shil ah uusan ka dhicin markiibtayada dagaalka ee ilaalisa xeebaha Soomaaliya, dhammaan shaqaalaha maraakiibtayadu waa badqabaan, wax dhib ahna ma jiraan” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ciidamada Midowga yurub ay soo dhigeen bartood twitterka.

Goor sii horeysay maamulka degmada Caluula ee xarunta gobalka Gardafuu waxay xaqiijiyeen in qarax weyn laga maqlay markab taagnaa meel ku dhaw biyaha deegaanka Murcaanyo, kaas oo la rumeysan yahay in uu qarxay, maraakiib kale oo dagaalna ay goobta yimaadeen.

Dawladda Puntland wali kama aysan hadlin dhacdadan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ay jiraan baaritaano dhacdadan ku gadaaman, isla markaasna aysan wali dhici karin in la ogaado xog dheeraad ah, gaadiidka baddana laga weeciyey goobtaas.