WAR DEG DEG AH:- Cali khaliif Galeyr oo loo diiday inuu galo Magaalada Buuhoodle iyo Dagaal laga cabsi qabo

0

Wararka aan Maanta ka heleyno Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalan karta gacan ka hadal taas oo ay wadaan maleeshiyaad hubeysan.

Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay isku aruursanayaan  deegaanka Soojeede oo 40 -km u jira magaalada Buuhoodle kuwaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamulka Puntland.

Maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay ka soo horjeedaan talaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ee ah in uu ku biiray wadahadal kadib Maamulka Soomaaliland oo dhowr jeer uu dagaal la galay.

Ciidamada ayaa Cali khaliif u diiday in uu tago magaalada Buuhoodle iyagoo ka soo horjeeda heshiiskii Shanta qodob ka koobnaa ee ay Maalin ka hor  kala saxiixdeen Maamulka Soomaaliland iyo  Khaatumo oo uu hogaaminayo Prof Cali Khaliif Galeyr.

Magaalada Buuhoodle ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Ciidan xaaladeeduna waa ay  kacsan tahay,waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi dagaal ku dhex maro ciidamada Soomaaliland iyo ciidamadan Maleeshiyaadka ah ee ku kacsan Cali Khaliif Galeyr.