WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Kenya oo lala eegtay qarax.

0

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa qarax miino lagula eegtay duleedka degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa miinada dhulka hoostiisa la geliyo ayaa lala beegsaday mid ka mid ah kolonyadii ay la socdeen ciidamada.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegayaa inuu khasaare ka soo gaaray qaraxa miino, sidoo kale gaadiidkii ay la socdeen ayaa waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada Kenya, waxaana la sheegay in ciidamo gurmad ah ay u yimaadeen ciidankii qaraxa lala eegtay.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay qaraxyada miino, waxaana bishii tagtay ee Ramadaan ay dhowr jeer la beegsatay qaraxyo miino oo ka dhacay gobolka waqooyi bari.