WAR DEG DEG AH:- Dawladdaha Sacuudiga Iyo Imaaraadka oo ku dhawaaqay in beri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitirga.

0

Boqortooyadda Sacuudiga ayaa ku dhawaqday in beri oo Axad ah ay tahay maalinta koobaad ee Ciidul Fitriga.

Sacuudiga ayaa sheegay in la arkay bisha caawa isla markaana beri ay tahay maalinta koobaad ee ciida ayna muslimiinta ugu hambalyayneyso bilashada Bisha Shawaal.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka ayaa ku dhawaaqday in beri ay tahay maalin ciid ah, iyadoo bisha laga arkay magaaladda Abu Dhabi

Maanta xili hore ayuu Wasiirka cadaaladda Imaaraadka Sultan bin Saeed Al Badi ayaa muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Shawaal iyo farxadda Ciida

Bisha Ramadaan ayaa ka dhigan iney ku dhamaatay 29 maalin waxaana Warbaahinta Baahin.com ay idin leedahay Ciid Wanaagsan dhamaan Muslimiinta Meel Walba oo aad ku sugan tihiin.