DHAGEYSO:- Deegaanka uu Abu Mansuur Roobow ku sugnaa oo maleeshiyaadka Al Shabaab gaareen.

0

Wararka nasoo gaaya ayaa waxa ay sheegayaan in nolosha Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ay halis ku jirto, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al shabaab ay gareen deegaanka uu ku sugan yahay iyo deeganao ku dhaw dhaw.

Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada ah ee AlShabaab ayaa lasoo sheegayaa inay gaareen deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Abu Mansuur ayaa dhowaan laga saaray liiska shaqsiyaad si weyn ay u doonaysay dawladda Maraykanka, ayada oo lacag madaxiisa la dul dhigay dib looga laabtay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha maamulka DFS ee degmada Xudur Maxamed Macallim ayaa sheegay in xiisad ay ka taagan tahay deegaanka uu ku sugan yahay Abuu Mansuur Roobow kadib markii ay maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan ururka argagixisada ah ee Al Shabaab gaareen.

Isku soo wada duuboo ilaa hadda lama oga in Mukhtaar Roobow ( Abu Mnasuur) uu kasoo baxsan doono falaagada Al Shabaab, iyadoo warar horey loo helay ay sheegayaan inuu wadahadal kula jiro dowladda Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media