WAR DEG DEG AH:- Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Muqdisho oo la qabtay

0

Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay madaxii amniyaadka Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

Wasiirka amniga Xukuumadda Somaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa si kooban u sheegay hawlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka inay ku soo qabteen ninkaan.

Wasiir Islow oo aanan bixin faah-faahin intaasi ka dheeri ah, ayaa sheegay in dowladda ay soo bandhigi doonto Sarkaalkaan ka tirsanaa Shabaab ee masuulka ka ahaa dilalka ka dhaca Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA, ayaa Dhacdo.com waxa ay u sheegeen hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho in lagu beegsaday Sarkaalkaan.

Saraakiisha NISA, ayaa sheegay ninka la soo qabtay in lagu magacaabo C/waaxid Khaliif Axmed, iminkana ay ku socoto Baaris.

Sarkaalka la soo qabtay ayaa madax u ahaa amniyaadka dilalka qorsheysan ka gaysta magaalada Muqdisho ee Bistooladaha wax ku dila.

Dowladda Somaliya ayaa sare u qaaday xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo ciidamo la soo dhigay dhamaan Isgoysyada ku yaal Bartamaha caasimadda.