WAR DEG DEG AH:- Markab dagaal oo ku qarxay xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari.

0

Markab nooca Dagaalka ah ayaa ku Qarxay Xeebta Degmada Caluula ee Gobolka Bari, waxaana la sheegay inuu degay markii uu Qarxay ka dib,lamana oga Dalka iska leh.

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa jooga maraakiib dagaal kuwaas oo kasocda wadamo badan isla markaasna waxa ay sheegaan in ay maraakiibta ka ilaaliyaan burcad badeeda waxaana jira sidoo kale maraakiib si sharci dara ah uga kaluumeesta xeebaha Soomaaliya.

wadanka markabka laga leeyahay iyo qasaaraha ka dhashay waxaan xooga saari doonna in aan soo ogaano isla markaana aan idin so gudbino faafaahin.