WAR DEG DEG AH:- Sarkaal ka tirsan Ciidamada Millatariga Soomaaliya oo gurigiisa lagu dilay

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in la dilay sargaal katirsan ciidamada militeriga Soomaaliya.

Sarkaalkan oo lagu Magacaabo Cabdirashiid Barre Gurxan.ayaa la dilay Xilli uu ku sugnaa gurigiisa.

Dilkan oo ay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysan bastoolad ayaa loo geystay Cabdi rashiid Barre Gurxan oo ka mid ahaa taliska ciidamada xooga dalka ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in sargaalkan loogu galay guri uu daganaa isla markaana lagu dhex dilay isagoo qoyskiisa la jooga.

Ragii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana haatan ku sugan ciidamo katirsan militeriga Soomaalia oo wada howlgallo baaritaan ah.

Waxaa jira warar sheegaya in kooxdii dilkaas ka dambeysay ay ahaayeen AlShabaab.