WAR DEG DEG AH:- Toogasho iyo Kala carar ka dhacay Magaalada Boosaaso

0

Kooxo hubeysan ayaa maagalada Boosaaso ee Xarunta gobolka bari waxa ay goordhow ku dileen Nin shacab ah iyagoo goobta ka baxsaday.

Dilkani oo ka dhacay suuqa Caanaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa geystay rag baastoolada ku hubaysan oo goobta ka cararay sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal, iyadoona ay goobta gaareen ciidanka ammaanka Puntland.

Marxuumka la diley oo aan la ogeyn cidda ka dambaysay dilkiisa iyo sababta loo diley ayaa waxaa magiciisa lagu soo koobay Yaasiin Jaamac.