WAR DEG DEG AH:- Xaaf oo Magaalo Caan ah u Magacaabay Caasimada KMG ee Galmudug

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “ Xaaf “ ayaa Magaalada Cadaado u Magacaabay Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Magacaabistaan u sababeeyay baahida loo qabo in la helo Xarun rasmi ah oo ay si wadajir ah ugu howlgalaan Hay’addaha kala duwan ee Galmudug iyo Masuuliyiinta.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay Warqada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug in ay jiraan daruufo adag kuwaasi oo sabab loogu digay in Magaalada Cadaado ay noqoto Caasimada KMG ee Galmudug.

Hoos ka Akhriso Warqada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug:-