WAR DEG DEG:- Askar lagu toogtay Muqdisho

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka kunool degmada Dharkeynley Koox Hubeysan ayaa waxaa ay dil u geysteen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo marayay gudaha Suuq Boocle ee Degmada Dharkenley .

Saddex nin oo dhallinyaro ahaa islamarkaana watay Baskoolado ayaa toogteen labo Nin oo ka tirsanaa Ciidamada Qaada Canshuuraha xilli ay ku sugnaayeen Gudaha Suuqa.

Qof ka mid ah dadka Suuqa oo Magaciisa iyo codkiisa ka gaabsaday in Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in Askarta midna uu dhaawacmay midna uu dhintay.

Waxaa uu intaasi hadalkiisa kusii daray xilli la dilaayay Askarta in ay ku jireen Xarun timaha  lagu jarto oo ay Canshuur ka qaadaayeen.

Dhalinayaradii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya oo hadda halkaasi ka wadda howlgallo kala duwan oo Ammaanka lagu xaqiijinaayo.