WAR DEG DEG:- Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo Puntland oo ku Shirsan Gaalkacyo

0

Kulankaani oo ahaa mid u dhaxeya Wasiiro kala soo jeeda Galmudug iyo Puntland ayaa hadda ka socda Konfurta Magalada Gaalkacyo waxaana la sheegayaa in kulanka uu yahay mid daba socda Kulumo horay uga dhacay Konfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo kaasi oo looga hadlayo xal ka gaarida Colaadaha ku soo laab laabtay Gaalkaco u dhaxeya Labada dhinac.

Kulanka Maanta ayaa la filayaa in looga hadlayo sidii loo sii laba jibaari lahaa wada hadlada loona guda Gali lahaa qodobada laga wada hadlayo oo ugu horeyso nabad ku wada noolanshaha Gaalkacyo.

Kulanka ayaa sido kale Galmudug waxaa ay ka shegi doontaa in gacanta ay ku soo dhigtay koox dhawaan dad shacab ah ku laayaya bariga Gobolka mudug kuwasi oo hadda lagu haayo xabsiga dhaxe ee Magalada Gaalkacyo.

inkastoo kulanka uu hadda ka furmay hotelka Five Star ayaa hadda waxaa la ogeyn waxyaabaha kale ee labada dhinac ay kaga hadlayan madama kulanka maanta uu duwan yahay kulmadii hore.