TOP NEWS:- Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanadii Ciidamada Dawladda ay kula dagaalameen falaagada Al Shabaab.

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad deganaansho ay ka jirto deegaanadii shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin goobihii dagaalada ka dhaceen.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay saddex jiho kaga ambabaxeen magaalada Jowhar, iyagoo gaaray deegaanada Cali Fooldheere, Qurac Madoobe, Aqabduco iyo tuulooyin ku dhow dhow Biyo Cadde.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku aadan sidii ay ugu gudbi lahaayeen deegaanada bari ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen, Caanood oo hoggaaminaya Ciidamada ayaa xalay ku hoyday deegaanka Biyo Cadde oo todobaadkii hore Al-Shabaab weerar ku qaadeen.

Ciidamada ayaa la sheegay in aanay jirin cid kale oo howl galkii shalay ku wehliyay, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada.

Dagaaladii shalay ka dhacay Deegaanka Cali Fooldheere iyo agagaarkeeda ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray ciidamada, inkastoo aan si rasmi ah loo sheegi karin.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastii iyo madaafiicdii la is weydaarsanayay ay ku gubteen guryo ku yaalay deegaanka Cali Fooldheere.

Wariyeyaal ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dagaaladii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ay sababeen barakac baahsan, iyadoo qoysas u badnaa xoolo dhaqato ay ka soo qaxeen deegaanadii lagu dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen deegaano ka tirsan bariga Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana jirtay cabsi ka taagneyd magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Hirshabeelle.