WARBIXIN:- Ammaanka magaalada Muqdisho oo la adkeeyay .

0

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo lagu guda jiro maalmaha Xoriyadda iyo diyaar garowga 1-da Luulyo sanad-guuradii 57aad ee ka soo wareegatay xoriyadii Gobolada Koofureed iyo is raacii gobolada waqooyi iyo koofur.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo, kuwaasoo baaraya dadka iyo gaadiidka, waxaana kordhay howl galada ay wadaan Ciidamada Xasilinta Muqdisho oo lagu arkay xaafado hor leh.

Isgoysyada waddooyinka ayaa la geeyay ciidamo dheeraad ah, kuwaasoo gaadiidka si adag u baaraya, waxaana tani ay sababtay saxmad badan iyo mashquul ka jira waddooyinka, waxaana meelihii ay dadka ku gaari jireen daqiiqado ay haatan ku qaadaneysa nus saac illaa saacad.

Sidoo kale Ciidamada Xasilinta ayaa adkeeyay ammaanka waddooyinka looga soo galo magaalada Muqdisho, waxaana labadii maalmood magaalada laga dareemayay qudaar la’aan, markii gaadiidka qudaarta ka keena Gobolada Shabeellooyinka la dul dhigay amaro adag, waxaana qaarkood la baarayay saacado, waxaana bedelkii ay subaxnimo soo geli jireen magaalada haatan ku qaadaneysa illaa galabkii.

Hey’addaha ammaanka ayaa soo rogay awaamiir ku aadan gelitaanka waddooyinka Caasimadda iyo kuwa looga baxo, waxaana su’aalo la weydiinayaa dadka soo gala magaalada, hadii ay jiraan cid damiin ka ah iyo baaritaano kale oo dheeraad ah.

Inkastoo ammaanka magaalada Muqdisho ay wanaagsaneyn tan iyo dhamaadkii bishii Ramadaan iyo maalmihii Ciidul Fidriga, hadana waxaa jirta cabsi laga qabo inay dhacaan weeraro inta lagu guda jiro maalmaha Xoriyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta xuska dabaal dega 1-da Luulyo, iyadoo guddi loo saaray ay ka shaqeynayaan diyaarinta xaflada iyo calan saarka habeenka Kowda Luulyo.Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo lagu guda jiro maalmaha Xoriyadda iyo diyaar garowga 1-da Luulyo sanad-guuradii 57aad ee ka soo wareegatay xoriyadii Gobolada Koofureed iyo is raacii gobolada waqooyi iyo koofur.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo, kuwaasoo baaraya dadka iyo gaadiidka, waxaana kordhay howl galada ay wadaan Ciidamada Xasilinta Muqdisho oo lagu arkay xaafado hor leh.

Isgoysyada waddooyinka ayaa la geeyay ciidamo dheeraad ah, kuwaasoo gaadiidka si adag u baaraya, waxaana tani ay sababtay saxmad badan iyo mashquul ka jira waddooyinka, waxaana meelihii ay dadka ku gaari jireen daqiiqado ay haatan ku qaadaneysa nus saac illaa saacad.

Sidoo kale Ciidamada Xasilinta ayaa adkeeyay ammaanka waddooyinka looga soo galo magaalada Muqdisho, waxaana labadii maalmood magaalada laga dareemayay qudaar la’aan, markii gaadiidka qudaarta ka keena Gobolada Shabeellooyinka la dul dhigay amaro adag, waxaana qaarkood la baarayay saacado, waxaana bedelkii ay subaxnimo soo geli jireen magaalada haatan ku qaadaneysa illaa galabkii.

Hey’addaha ammaanka ayaa soo rogay awaamiir ku aadan gelitaanka waddooyinka Caasimadda iyo kuwa looga baxo, waxaana su’aalo la weydiinayaa dadka soo gala magaalada, hadii ay jiraan cid damiin ka ah iyo baaritaano kale oo dheeraad ah.

Inkastoo ammaanka magaalada Muqdisho ay wanaagsaneyn tan iyo dhamaadkii bishii Ramadaan iyo maalmihii Ciidul Fidriga, hadana waxaa jirta cabsi laga qabo inay dhacaan weeraro inta lagu guda jiro maalmaha Xoriyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta xuska dabaal dega 1-da Luulyo, iyadoo guddi loo saaray ay ka shaqeynayaan diyaarinta xaflada iyo calan saarka habeenka Kowda Luulyo.