WARBIXIN DAAWO:- Xaalada Dhibane Muwaadin Mahad Abiib Iyo Barnaamijka Hanoolaato oo si wadaninimo leh ugu istaagay.

0

Sida uu qoray muuqaal baahiyaha TV2, hey´ada socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway, ayaa ugu danbeyn ogolaatay in Mahad Abiib ay u diraan Soomaaliya, inkasta oo ay horey u sheegeen in Mahad uu kasoo jeedo dalka Jabuuti. UDI-da ayaa sidoo kale sheegtay inay Mahad ka bixin doonaan tigidka diyaarada, isla markaana ay siinayaan lacag uu nolol cusub kaga sameysan karo Soomaaliya.

Katinka Harmann oo ah madaxa waaxda dib u celinta ee UDI-da, ayaa TV2 u sheegtay in Mahad uu isagu dalbaday in Soomaaliya lagu celiyo, isla markaana dowlada Soomaaliya ay ogolaatay inuu kusoo noqon karo dalkeeda. Waxeyna raacisay in xeerarka UDI-da ay ogolyihiin in qofka lagu celin karo wadan uusan u dhalan, hadii ay dowlada dalkaas bixiso ogolaansho ah in qofkaas dalkeeda lagu soo celin karo.

UDI-da ayaa wali diidan inay qirtaan in Mahad uu kasoo jeedo dalka Soomaaliya, inkasta oo ay ogolaadeen inay dib ugu celin karaan Soomaaliya. Waxeyna sheegeen in kiiska Mahad Abiib uu dhanka dowlada Norway kasoo gaba-gaboobayo hadii uu Mahad ka baxo Norway.

Mahad: Ma baxayo ilaa aan helo lacagtii howlgabka aan shaqeystay.

TV2 ayaa dhanka kale qorayo in jawaabta UDI-da, aysan aheyn tii uu Mahad Abiib filayay. Wuxuuna UDI-da ka dalbaday inay qirtaan inuu Soomaaliya kasoo jeedo, si uu u cafiyo, isaga oo rajeynayo inuu dib ugu helo noloshiisii caadiga aheyd. Wuxuuna codsigii safarka ee uu UDI-da u diray ku dalbaday in laga qaado xayiraada laga saaray soo galootiga wadamada Schengen, iyo inuu dib u helo dhibcihii lacagta howlgabka ee uu shaqeystay.

UDI-da ayaa dhankooda sheegay in waxyaabaha uu Mahad dalbayo qaarkood aysan ku jirin gacanta hey´adaha qaabilsan arimaha soo galootiga.

Mahad Abiib ayaa TV2 u sheegay inuusan Norway ka safri doonin ilaa uu helo lacagtii howlgabka ee uu xaqa u lahaa mudadii uu Norway ka shaqeynayay. Wuxuuna raaciyay inuu rajeynayo in UDI-du ay aqbasho dalabkiisii, si uu Soomaaliya ugu safro inta uu sugayo kiiska racfaanka ee maxkamada darajada labaad.

HOOS KA DAAWO