WARBIXIN: Sacuudiga oo Qaatay Go’aan ka nixiyay Madaxweynaha Turkey & Xiisada Carabta oo Waji Cusub yeelatay

0

Dalka Sacuudiga ayaa diiday dalab horey ujiray oo Turkey uu ku doonayay inuu aag militeri ka sameysto boqortooyadaas iyagoo yiri “Looma ogolaan karo xukumada Ankara iney dhulkeena ka abuurato arin noocaas oo kala ah, sidaas waxaa warisay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Sacuudiga  SPA ayaa sabtidii lasoo dhaafay warisay in boqortooyada dalkaas ay diiday iney soo dhaweyso saldhiga militeri ee Turkey uu ka sameysanayo dalkaas si lamid ah sidii uu horey ugu dhistay dalka ay dariska yihiin ee  Qatar.

War laga soo xigtay Sargaal aan magaciisa la sheegin ayaa lagu yiri “Saudi Arabia ma soo dhaweyneyso Iney Turkey u ogolaato iney dhulkeena aagaas ka sameysato” Turkey ayaa doonayay in saldhigaas militeri uu kala dagaalamo amaan xumadda iyo argagaxisada gobolka

Bayaankan ayaa imaanaya maalmo kadib markii madaxweynaha Turkey  Recep Tayyip Erdogan uu usheegay Wakaaladda RTP inuu dalbaday inuu Sacuudiga ka dhiso saldhig militeri oo ay sanadkii 2014-ka ka sameeyeen dalka Qatar

“Dalab kaas lamid ah ayaan udiray boqor Salman … waxaana uu yiri dib ufuurin ayaan usameyn doonaa, laakiin tan iyo markaas wax jawaab ah kama aysan bixin,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey

Todobaadkii lasoo dhaafay Barlamaanka Turkey ayaa ogolaaday in militeri loo diro dalka Qatar halkaas oo ay saldhig cusub ku yeelan doonaan.

Go’aanka SACUUDIGA ayaa kusoo aadaya xili Turkey uu wado dadaalka lagu dhex dhexaadinayo khilaafka xulifadda Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Bahrain iyo Egypt kuwaas oo xariirka ujaray  Qatar bishii  June 5.