Xisbiga Madaxweyne Macron oo Arrin la yaab leh la kulmay

0

Rogaalkii ugu dambeeyay ee doorashada baarlamaanka Faransiiska ayaa la soo gabagabeeyay. waxaana la sheegay in xisbiga Madaxweyne Emmanuel Macron u ku guuleystay aqlabiyada barlamaanka.

Xisbiga Madaxweyne Macron ee La Republique en Marche oo la sameeyay sanad ka hor, ayaa lagu wadaa in uu ku guuleysto ku dhowaad boqolkiiba lixdan 577 kursi ee barlamaanka Dalkaasi.

Kalabar musharaxiinta xibsigan ayaa ah kuwa ku cusub masraxa siyaasadda waxayna kasoo jeedaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin arday, dad howl-gab ah iyo weliba ciyaartooy.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog, Marine le Pen ayaa ku guuleysatay kursi barlamaan markii ugu horeysay.waxayna sheegtay in xisbiga Macron u ku guuleystay aqlabiyadda barlamaanka balse fikradiihisa ay yihiin kuwa aan laga tixgilinaynin dalka Faransiiska.